War Deg Deg Ah: Qaraxyo Ka Dhacay Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi.

0

Nairobi (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyo Goordhow ka dhaceen xaafada 12 Ka Ee Eastleigh ay Ku Dhinteen Tiro dad ah oo ka Badan 6 Qof Oo Intooda Badani Shacab Ahaa.

Sida Uu Sheegay sarkal ka Tirsan Ciidamada Amaanka Kenya Gordhow La hadlay warbahainta Kenya waxa Jira Dhaawac ka badan Tirada Iyadoona qaraxa Uu ka Dhacay goob Hotel Oo Dadka Ku badan yahiin.

Qaraxyadani Oo Noociisa lagu Sheegay Kuwa Dhulka la Dhigo Ayaa Dad Shacaba Intooda badani Ku Dhinteen waxaana Dadka Dhaawaca Loo Qaaday Isbitaalka Nairobi.

Isku soo wada duuboo Ciidamada amaanka ayaa sheegay inay qabteen ugu yaraan 3 Qof Oo ka mida dadka lagu tuhun san yahay Inay qaraxani dhigeen inkasta Oo xiliyada badan Ciidamada qabtaan dad Shacabah.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgagaduud Media
allgalgaduud@gmail.com