Puntland oo taageertay mid kamid ah maamuladda dhowaan looga dhawaaqay magaalada Baydhabo

0

Garoowe(AGGM):Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maantay qoraal uu soo saaray wuxuu ku taageeray mid kamid ah maamuladii dhowaan looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Puntland ayaa sheegtay inay taageersan yihiin Maamulka todobaad ka hor looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee uu hogaamiya Maxamed Xaaji Cabdinuur, iyadoo sheegtay Puntland inay u aragto in maamulkaasi yahay kan saxda ah qabsadayna doorasho ay ku dheehan tahay si xalaal ah.

Maamul goboleedka Puntland wuxuu sheegay inay taagersan yahiin maamulkaasi, waxayna tilmaameen inay ugu baaqayaan dowladda federaalka soomaaliya inay iyaduna taageerto maamulkaasi.

Maamul goboleedka Puntland ayaa dhanka kale sheegay inay dowladda federaalka ah ku boorinayaan dedejinta dhismaha maamul goboleedyada kale ee imika dhiman.

War saxaafadeedka ay soosaareen Madaxda Maamul goboleedka Puntland ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili dhowaan magaalada Baydhabo laga sheegay in Madaxweyne loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur halka isna todobaadyo kale kahor isla magaaladaasi Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya loogu doortay Madoobe Nuunoow Maxamed oo Madaxweyne ka noqonaya Lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa dhanka kale xalay magaalada Baydhabo u hoyday Madaxda ugu sareeysa dalka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan oo u tagay magaaladaasi waan waan laga dhex abuuro labada maamul ee midkoodba sheeganayo inuu isagu yahay kan xaqa ah, labada Maamul ee Madoobe Nuunoow iyo Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa magaaladaasi ku haysta maleeshiyooyin hubaysan oo laga baqdin qabo in dagaal uu dhex maro.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com