Kenya oo dalkeeda ka baadi goobaysa Soomaali Al-shabaab ah

0

Nairobi(AGGM):Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay ku raad joogaan Sadex ruux oo Soomaali oo la tuhunsan yahay inay ka mid ahaayeen koox xalay qarax ka geysatay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya .

Taliyaha booliska magaalada Nairobi Benson Kibue ayaa ka sheegay  magaalada Nairobi inay hadda ku raad joogaan Sadex ruux oo ay aaminsan yihiin inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabab isla markaana mas’uul ka ahaa weerar xalay ka dhacay magaaladda Nairobi .

Sargaalkaan waxaa uu sheegay in xogta ay hayaan ay muujiyanayso in sadexda ruux oo ka baxsaday goobtu qaraxu ka dhacay ay hadda ku dhuumaalaysanaayaan xaafadaha Soomaalidu ka degto Nairobi.

“Ciidamada baaritaano ay wadaan waxay ku raadinayaan qaar ka mid ah kooxdii xalay qaraxa ka dambeysay oo Sadex ruux ka kooban waxayna ka tirsan yihiin Al-Shabab” ayuu yiri  Benson Kibue.

Hal ruux oo ay booliska Kenya ku sheegeen inuu ahaa ruux samaynayay  walxo qarxa ayaa ku geeriyooday qaraxii xalay.

Isha ku hay Allgalgaduud Media 

Allgalgaduud@gmail.com