Dowladda Canada oo si hoos ah ula socota Soomaali Al-Shabaab ah

0

Toronto(AGGM):Saraakisha amaanka dalka Canada ayaa si xoogan ula socda 80-qof oo muwadiniinteeda oo dib ugu laabtay dalkaasi kadib markii ay ka qeyb qaateen dhaq dhaqaaqyada argagexisada hadalkaasi waxaa golaha odayaasha iyo gudiga amaanka qaranka dalka Canada ka horsheegay agaasimaha wakaalada sirdoonka dalkaasi.

Meshal Colombe ayaa sheegay in ay jiraan 130-qof oo Canadian ah oo iyaga ku maqan dibada ay hada ay ka qeyb qaadanayaan dagaalada argagexisada ah ee wadamo ay kujirto Somalia ay ka qeyb qaadanayaan.

Colombe ayaa sheegay in ay ka wlaaacsan yihiin shaqsiyaadkii dib ugu laabtay dalkaasi Canada.

Mas’uulkaasi waxa uu sheegay in si hoose ay ula socdaan Soomaali iyaga dib ugu laabtay dalka Canada oo Al-shabaab kala qeyb qaatay dagaalka ay ka wadaan dalka Somalia.

Xukuumada Canada ayaa waqti hore sheegtay in tiro Canadian ah oo asal ahaan kasoo jeeda Somalia ay hada ka bar bar dagaalamayaan Al-shabaab,muwadin Canadian ah oo asal ahaan kasoo jeeda Somalia ayaa lagu dilay isagoo ka qeyb qaadanayey weerarkii lagu qaaday maxkamada sare ee gobolka Banaadir bishii April ee sanadii tagtay,dhulka dalkaasi Canada ayaa looga baqdin qabaa in labo qof oo dib ugu laabtay wadankaasi ay qorshenayaan weeraro argagexiso ah ay ka fuliyeen wadooyinka ay tareenada maraan.

isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com