Dhageyso:Madaxweyne Xasan iyo Jawaari oo Xalinaya Khilaafka Baydhabo

0

Baydhabo(AGGM):Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof.Jawaari ayaa Xalay ku Hoyday Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ay Xalay la kulmeen Bulshada Qeybaheeda kala duwan,iyo Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Amaanka Magaalada Baydhabo,ayaa si weyn loo adkeeyey,waxaana Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya lagu wadaa in ay Maanta la kulmaan Mas’uuliyiinta isku haya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Xildhibaan Ibaarhin Max’ed Xaabsade oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda Gobolka Baay ayaa Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka ka codsaday in la Xaliyo Khilaafka Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale Waxaa Saaka Magaalada ka socda Banaanbax ay dhigayaan Dadka Taageersan Maamulka Koofur Galbeed ee Lixda Gobol ee Soomaaliya,kuwaas oo Doonaya in Wafdiga Madaxweynaha in aysan Qaabilin Maamulka Saddexda Gobol.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Wareysi

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com