Dhageyso: Afhayeenka Maamulka KGS Garabka Shariif Sakiin, C/qaadir Shido “Maamulka 3-da Gobol Ee Koonfur Galbeed Waa Fashilmay”.

0

Baydhabo (AGGM):Xasaradii ka dhalatay Maamulo isdiidan oo looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo ay wali taagantahay ayaa waxaa qaar kamid ah Mas’uuliyiintii u istaagay dhismaha Maamulka 3-Gobol ka dhawaajiyeen in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu fashiliyay Maamulkaas .

C/qaadir Shido oo ahaa Afhayeenkii Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya garabkii dhisay 3 Gobol ayaa Sheegay in Maamulkoodi uu fashilmay sababna uu u ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qaadaayo Mas’uuliyada fashilkii kuyimid Maamulkooda , wuxuuna intaasi ka daran in hadii ay yihiin dadka ka soo jeedo Shabellaha Hoose ay ka tashan doonaan aayaha & Mustaqbalka Gobolkooda asagona Carabka ku adkeeyay inuu fashilmay Maamulkii 3 Gobol .

‘’Waqti badan oo aan galinay dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban 3 Gobol Miradhal ma noqon waxaana Maamulkaas minjo xaabiyay oo meesha kasaaray Shariif Xasan Sheekh Aadan’’ ayuu yiri C/qaadir Shido oo Marar kala duwan ku soo Celcelinaayay inuu fashilmay Maamulkii ay dhiseen ee 3-Gobol ka koobnaa .

Hadalka C/qaadir Shido ayaa imaanaayo ayadoo Magaalada Baydhabo uu ka jiro Jahawareer Siyaasadeed oo u dhexeeyo Siyaasiyiin isku Maandhaafsan Maamul ka kooban 6 Gobol & 3 Gobol sidoo kalana wuxuu imanayaa hadalkaan C/qaadir Shido waqti ay Magaalada Baydhabo ka dhacaayeen Maalmihii la soo dhaafay oo dhan dibad baxyo kagu taageeraayo Maamulka adobe Nuunoow Maxamed , & sidoo kalewaqti ay kusuganyihiin Magaalada baydhabo Madaxweyne Xasan Sheekh & Gudoomiye Jawaari oo halkaasi Shalay Gaaray .

Isha Ku Hay Allgagaduud Media
allgalgaduud@gmail.com