Deg Deg:- Raisul Wasaare C/wali Sh oo looga Yeeray Baydhabo

0

Baydhabo(AGGM):Xili Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa Goor dhaw gaaray Raisul Wasaare C/wali Sh Axmed.

Safarka Raisul wasaaraha oo aan hore loo shaacin ayaa waxaa uu Goor dhaw ka Dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud uu u yeeray R/wasaaraha si Xal looga gaaro Arimaha Baydhabo.

Waxaan Risul Wasaaraha Soomaaliya la geeyey Xarunta Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo hor ay u Daganayeen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com