Xog Xasaasi Ah: Horjooge Axmed Madoobe Oo Shir Beeshiisa Ugu Qabtay Nairobi Ugana Hadlay Qodobo Xasaasi Ah.

0

Nairobi (AGGM):Warar xog-ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in Axmed Madoobe uu Beeshiisha shir ugu qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya shirkaas oo looga hadlay arrimo kala duwan ayaa wuxuu isugu jiray warbixin uu Axmed beeshiisa ka siinayey siyaadda Soomaaliya gaar ahaan Jubaland iyo wada tashi ay yeelanayeen isaga iyo beeshiisa.

Axmed madoobe mar uu ka hadlayey madaxwaynaha Soomaaliya ayuu ku tilmaamay in uu yahay shakhsi daciif ah kana shaqeeyo goor walba dibindaabyada Jubaland, wuxuuna raaciyey in isaga iyo Farax Cabdulkaadir ay xariir wada shaqayn leeyihiin uguna xilsaaran yahay wixii kasoo waajaho dhinaca Xasan Sheikh, arrintaasoo salka ku haysa ayuu sheegay heshiis horay u dhexmaray beelaha Ogaadeen iyo Reer Aw-xasan (waa beelaha ay kasoo kala jeedaane) .

Heshiiskaas oo reer Aw-Xasan lagu siiyay degmo ku taallo kililka shanaad ee dalka Ethiopia iyadoo taas baddalkeedana laga doonayo in uu Faarax hor-istaago tallaabo walba oo ka dhan ah Jubaland oo ka timaadda dhinaca Madaxweynaha Soomaaliya. Axmed madoobe isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, DAKADDA iyo AIRPORTIGA midna wareejin mayno, Ethiopia iyo Kenyana waan ka wada hadalay. Reysalwasaaraha Soomaaliya lama aamini karo laakiin Cabdiweli Gaas Madaxwaynaha Puntland ayaa u xilsaaran in uu arrimihiisa si dhow ula socdo Ayuu sii raaciyay.

Isagoo warbixintiisa uga hadlayay arrimaha jubooyinka ayuu yiri Axmed madoobe (Culayska ugu wayn wuxuu naga haystay Mareexaan maadama ay yihiin awoodda ugu weyn uguna tira badan deegaanada Jubooyinka, laakiin hadda waan wiiqnay ayuu raaciyay, Waxaad ogtihiin hadii si ku salaysan xaqiiqada deegaanada Jubooyinka ka jirto loo qaybsado maamulka jubaland in uu marreexaan heli lahaa xubnaha ugu badan uguna muhiimsan wasiirada iyo xitaa Gddoomiyaha degmada, waadna lasoctaan hadda sida aynnu arrintaasi meesha uga saarnnay).

Axmed Madoobe oo warbxinta kusoo qaatay Gen. Fartaag ayaa wuxuu ku dhaliilay in uu waayahan danbe gaabis ku yimid marka la eego hawlo badan oo looga fadhiyay lana xiriiro siyaadadda Jubaland, taasoo nagu dhalisay in aan ka shakinno ayuu raaciyay, Isagoo dhanka kale amaan u jeediyay Cabdirashiid Janan oo ah wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ee jubooyinka kana soo jeedo gobolka gedo, oo uu ku sheegay in uu yahay nin wax weyn ugu fadhiya siyaasadda Jubaland iminkana howl muhiim ah ayuu noogu maqan yahay oo Gedo dhexdeeda ah waadna ka warheli doontaan natiijadeeda ayuu siiraaciyay.

Ugu danbaytii Axmed madoobe ayaa sheegay in maamulkoodu aysan dan ugu jirin in Al Shabaab laga xoreeyo deegaanada dhiman ee Jubada hoose, Dhexe iyo Gedo, waana kala hadalay dowladaha aan saaxiibka nahay arintaasi ayuu raaciyay, Wuxuuna amaan fara badan u soo jeediyey dowladaha dariska ah gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya, runtii kismayo maanan joogneyn hadii aysan ayaka ahayn ayuu yiri.

Isha Ku Hay Allgagaduud Media
allgalgaduud@gmail.com