War Deg Deg Ah: Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey) Oo Hadda Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Dhaawac Culus Ugu Geeysteen Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ay hada gudaha magaalada Kismaayo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni rasaas ay ku huwiyeen Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey) gaarigi uu watayna ay dhaceen.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey) markuu dhaawacmay in dhaawaciisa ay ka qaadeen goobti lagu dhaawacay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Siiraaliyoon.

Dhaawaca Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey) ayaa hadda waxaa xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayaa isbitaal ay gaar u leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Siiraaliyoon.

Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey) ayaa hayb ahaan waxa uu kasoo jeedaa beesha Mareexaan.

Isku soo wada duuboo dhawaaca Cabdulaahi Aaden Carabeey (C/llaahi Ina Direey) ayaa waxa uu qeeyb ka yahay mashruuca ka socda magaalada Kismaayo ee isugu jira dilka, dhaca, xariga, kufsiga iyo barakicinta baahsan ee ay wadaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee ay  hogaamiyaan Axmed Madoobe iyo Macalin Maxamed.

Isha Ku Hay Allgagaduud Media
allgalgaduud@gmail.com