Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Oo Galabta Tagay Magaalada Baydhabo.

0

Baydhabo (AGGM): Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya Pro. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa horay ugu sugnaa magaalada Baydhabo.

Safarka guddoomiyaha uu ku tagay Baydhabo ayaan ahayn mid horay loo sii shaaciyay.

Rabshado toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Baydhabo oo u dhaxeeya taageerayaasha labo maamul oo dhowaan looga dhowaaqay magaalada ayaa la filayaa in ay la xiriiraan safarrada ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanku ku tageen Baydhabo.

Isha Ku Hay Allgagaduud Media
allgalgaduud@gmail.com