Falaagada Al Shabaab Oo Xayiray Isku Socodka Beledweyne Iyo Buulo-barde.

0

Buulo-Barde (AGGM): Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xayiraad ku soo rogtay gaadiidka rakaabka ee isaga kala goosha degmooyinka Beledweyne iyo Buulo-barde ee mara deegaanka Halgan oo 85 kilo mitir Koonfur u jirta Buulo-barde.

Shabaab ayaa arrintan ku macneeyay inay cuno-qabateynayaan degmada Buulo-barde oo dhowaan ay ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay la wareegeen.

Maanta oo kaliya ayaa la sheegay in deegaanka Halgan ay ku xayireen laba gaari oo rakaab ah, kuwaas oo ka soo kicitimay Beledweyne kuna sii jeeday Buulo-barde.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka Halgan oo ka gaabsaday magacooda sababo amni dartood ayaa Warbaahinta u sheegay in arrinta ay caqabad ku tahay ganacsigooda iyo isku socodka shacabka.

Isha Ku Hay Allgagaduud Media
allgalgaduud@gmail.com