Daawo: Hogaamiyihii hore ee dalka liibiya wiil uu dhalay oo raaligalin bixiyay.

0

Liibiya.Wiilkii uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka liibiya Saadi Al Qadaafi ayaa raali galain ka bixiyay waxii qalad ah ee uu gaystay xiligii uu aabihii  talada dalka liibiya hayay.

Saadi ayaa isagoo ku jira xabsiga firiintaasi raali galin u diray dadka reer liibiya iyo guuda ahaan wadanka oo dhan waxuuna sheegay in hadii uu wax dhibaato ah u geystay oo kamid ah waxyaabaha lagu eedeeyay ay iska cafiyaan aabihiis mucamir al qadaafi.

Tvga qaranka liibiya ayaa baahiyay hadalka Mr saadi Qadaafi oo wali ku xiran xabsi ku yaal magalaada Trpoli kadib markii dowlada Niger ay u soo gacan galisay madaxada dowlada kumeel gaarka ah ee liibiya.

Saadi Qadaafi oo xukuumadii aabihiis mar ka soo ahaa madaxii ciidamada ayaa dalka liibiya isga cararay mar uu dalkaasi ka bilowday kacdoonkii aabihiis xika loogaga tuuray laguna dillay sanadkii 2011 kii isagoo horaantii bishan dib dalkaasisa loogu soo celiyay si loogu maxkamadeeyo.

Vedio muuqaal ah oo la soo bandhigay ee mr saadi qadaafi ayaa muujinayay mr saadi oo xiran dharka maxaabiista dalka liibiya, isagoo mr saadi uu kamid ahaa 7 wiil o uu dhalay Qadaafi kuwaasi oo qaarkood lagu dilay kacdoonkii dalkaasi ka dhacay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com