War Cusub: Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Oo Maanta Ka Mid Noqotay Xilmadhibaanada Soomaaliya.

0

Muqdisho (AGGM): Wasiiradii hore ee Arimaha Dibada Soomaaliya Foysiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Maanta si rasmi ah uga mid noqotay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii loo dhaariyay xilkaasi.

Kulan ay Maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa lagu dhaariyay Xildhibaanad Foysiya Yuusuf , waxaana lagu badalay Ismaaciil Xasan Jaamac oo iska casilay Xubanimadii Baarlamaanka .

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Fowsiya Yuusuf oo aheed Wasiiradii Arimaha Dibada Soomaaliya Xukuumadii Saacid in ay lacag ku badalatay xilka Xildhibaanimo ay kala wareegtay Xildhibaan ay isku heyn yihiin.

Fowsiya Yuusuf ayaa uga gon leh kamid noqshada Baarlamaanka Soomaaliya in aysan ka bixin Siyaasada Dalka oo ay caan ka noqotay kadib markii ay noqotay Hwaeeneydii ugu horeesay ee Soomaaliyeed oo noqota Wasiirada Arimaha Dibada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com