Daawo Sawirada:Madaxda Dalka Kenya oo la Kulmay Soomaalida Nairobi

0

Nairobi(AGGM):Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta & Ku xigeenkiisa William Ruto ayaa maantay (28-03-2014) madaxtooyadda Kenya ku qaabilay Gudiga Ganacsatada Xaafadda Islii iyo Madaxda laga soo doorto degaankaasi.

Kulankaan ka dhacay Madaxtooyadda oo looga hadlayay amaanka Kenya iyo dowrka Soomaalida ku dhaqan Xaafadda Islii ay ka qaadan karaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo ah Mudane katirsan baarlamaanka Kenya isla mar ahaan taasna ah Gudoomiyaha Aqlabiyadda Xildhibaanada Xisbiga talada haya, waxaa sidaas oo kale iyaga joogay Shirka Senator Yusuf Xaaji oo laga soo doorto Gaarisa iyo Xildhibaanka laga soo doorto degmadda Kamakunji Yusuf Xasan oo ay Islii qayb ka tahay.

Kulankaan ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxda Kenya iyo Madaxdii ka socotay Ganacsatada Xaafadda Islii, Waxaana laga hadlay nabad geliyada Kenya iyo dowrka ay ka qaadan karaan Soomaalida Ganacsatadda ah.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaalida ku dhaqan Islii iyo Guud ahaan Soomaalida Kenya inay dowr shariif ah ku lee yihiin horumarka iyo Nabad galyada dalka Kenya, Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay isaga oo ka duulaya dhaq-dhaqaaqyada iyo horumarka ay soomaalidu ka samaysay Kenya inay go’aansadeen inay la shiraan Madaxda Ganacsatada, wuxuu sheegay Madaxweynuhu in dhamaan dadka Kenyaanka ah laga doonayo inay hal meel uga soo wada jeestaan kuwa nabad gelyadda Kenya car-qaladaynaya oo uu sheegay inay yihiin argagixiso cidna aan kala jeclayn.

Kulankaan ayaa intuu socday waxay Madaxdii ka qayb gashay hoosta ka xariiqeen inay cambaareeynayaan Qaraxyada iyo duulaanka lagu qaado goobaha lagu cibaadaysto ee dalkaasi, iyagoo si wada jir ah u cambaareeyay falalkii ugu dameeyay ka dhacay Mombasa kuwaasi oo loo gaystay dad ku sugnaa Kaniisad.

Xildhibaan Yusuf Xasan oo kamid ahaa Madaxdii kadashay kulankaani ayaa tilmaamay in si guud looga wada shaqeeyo Nabad gelyada Kenya, Soomaalida ku dhaqan Isliina si gooni ah looga doonayo ka shaqeynta nabad gelyada iyo la dagaalanka kooxo uu ku tilmaamay argagixiso.

Xildhibaanka ayaa sheegay inaysan banaanayn in la wareero meel dad ku cibaadaystaan, isagoo tibaaxay in falalka lagu laynayo dadka ku sugan Kaniisadaha ay la mid tahay tii isaga lagu dhaawacay isaga oo ka soo baxay masaajid, wuxuu Yusuf Xasan sheegay in kooxaha dhibaatadaas gaystaa ay yihiin diin laa wayaal mana xayaal ah.

Ugu damayntii, kulankaan dhex maray Madaxda Kenya iyo Gudiga ganacsatadda Xaafadda Islii ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan.

islii2-640x426 islii3-640x334 islii4-640x426 islii11-640x306