Ciidamada Dowladda Iyo AMISOM Oo La Wareegay Gacan Ku Heeynta Moqokori.

0

Moqokori (AGGM): Ciidamada dowladda Soomaliya iyo Kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Moqokori oo hoos tagta magaalada Maxaas ee gobolka Hiiran.

Taliyaha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee la wareegay deegaanka Moqokori, Maxamed Cilmi Muumin (Saneey) oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in degaankaasi gacan ku heyntiisa ay si nabadgelyo ah ula wareegeen, kaddib markiii maleeshiyaadka Shabaab ay isaga carareen halkaasi.

Xaaladda deegaanka Moqokori ayaa lagu soo warramayaa inay hadda xasilloon-tahay.

Ciidamada isbaheysanaya ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan gobollada Hiiraan, Gedo, Bakool, Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud, kuwaas oo ay horay ugu sugneyd maleeshiyada al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgagaduud Media
allgalgaduud@gmail.com