War Deg Deg: Siyaasi Dr. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex) Oo Hadda Ka Dagay Garoonka Diyaaradaha Ee Port Columbus International Airport (CMH) Ee Magaalada Columbus Ohio.

0

Columbus, Ohio (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Cloumbus Ohio ayaa waxa ay sheegayaan in uu hadda magaaladaasi gaaray sii hayihi xilka R/wasaarenimo ee dowladdi KMG ahayd Dr. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex).

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Dr. Cabdiwaaxi Cilmi Cumar (Goonjeex) uu maanta abaarihi 14.00 ka dagay garoonka caalamiga ah ee Port Columbus International Airport (CMH), waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Ee Gobolka Ohio Mudane Xasan Cumar (Xasan Dheere), Odayaal dhaqan, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin.

Dr. Goonjeex ayaa waxa uu socdaal todobaadyo qaadan doono ku kala bixinayaa qaar kamid ah gobolada dalka Mareykanka iyo dalka Canada, si uu ugu kuurgalo xaalada guud ee Soomaalida Waqooyiga Amerika, waxuuna kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ahba la qaadan doonaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Amerika.

Isku soo wada duuboo Mudane Dr. Goonjeex ayaa hadda waxaa loo galbiyay hotelka uu ku dagi lahaa magaalada Columbus, Ohio.

Wararka kasoo kordha Booqashada Dr. Goonjeex kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com