Dowladda Turkiga Oo Xayiraad Saartay Isticmaalka YOUTUBE.

0

Istanbul (AGGM): Dowladda Turkiga ayaa xayiraad saartay isticmaalka adeega laga daawado muuqaalada ee loo yaqaano Youtube, todobaad kadib markii Maxkamada dalkaas ay amartay in la mamnuuco isticmaalka barrta Twitter-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa taageeray xayiraada la saaray Barta Twitter-ka oo ay aad u isticmaalaan dadweynaha reer Turkiga, iyadoo tallaabadan ay aad uga soo horjeesteen dadka ka soo horjeeda siyaasada dowladda.

Shirkada Isgaarsiinta ee dalka Turkiga ayaa mamnuucday isticmaalka barta Youtube, waxaana la ogaaday in bartan la xiray.

Barta Youtube ayaa waxaa la soo dhigay cod la sheegay inay ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Turkiga iyo wiilkiisa oo ku wada sheekeysanayay lacago la musuq maasuqo.

Sidoo kale goor hore waxaa la soo dhigay bartaas cod laga duubay saraakiil Turki oo ka wada hadlaya arrimaha Suuriya, waxaana ay aheyd dood ku saabsan suura galnimada howl galo laga fuliyo gudaha Ruushka, waxaana doodaas ka qeyb galay Madaxa sirdoonka, Wasiirka arrimaha dibada Turkiga iyo Taliyaha ciidamada qalabka sida.

Ra’iisul Wasaare Erdogan oo wajahaya maalinta Axada ah doorashooyinka dawladaha hoose ee muhiimka ah, ayaa ku eedeeyay baraha bulshada ay isticmaasho in lagu faafinayo warar been ah, wuxuuna goor hore soo jeediyay in la dhaqan galiyo xayiraado lagu soo rogo YouTube iyo Facebook.

Xayiraadaha dowladda Turkiga ku soo rogeyso baraha Bulshada ayaa ka dambeysay, kadib markii sanadkii hore dalkaas ka dhaceen dibad baxyo ka dhan ah dowladda, waxaana jira mucaarado weyn oo ay la kulmeyso dowladda Mr Erdogan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com