Dhageyso: Falaagada Argagixisada Ah Ee Al Shabaab oo Cabaad Afka Furtay “Ciidamo Mareykan Ah Ayaa Jooga Qoryooleey”.

0

Muqdisho (AGGM): Sida ay ku andacoonayaan horjoogeyaal Ka tirsan falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab dagaal ayaa dhawaan waxa uu
ka dhacay Degmada Qoryooleey ee gobolka Shabellaha Hoose sida la og yahay waxaa gacanta Al shabaab ka baxay degmadaasi iyagoo hadda sheegaya inay la dagaalameen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalida oo ay Askar Mareykan ah garabsinayeen.

Su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxay tahay sida lala wada socdo Al Shabaab iyagaa durbaanka colaadeed ee ka dhanka ah Soomaalida iyo dadyowga caalamka  tuntay maxay hadda u cabaadayaan? waxaan leenahay Durbaanka colaadeed ee aad tunteen ciyaartiisa ayaa maanta leeydinka doonayaa ee xajiya dharbaaxada idinku dhacaysa horaad dadka u wada dharbaaxdeene.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com