Daawo Sawirada: Isbitaalkii Labaad Ee Degmada Garbahaarey Oo Dayactir Iyo Balaarin Lagu Wado.

0

Garbahaarey (AGGM): Isbitaalkan oo,ah hal dabaq ayaa wuxuu ku fadhiyaa dhul,aad u balaaran wuxuuna ku yaalaa dhul sare isaga,oo masaafo aan fogayn oo dhanka waqooyi,ah ka xigo garoonka hada la isticmaalo ee degmada garbahaareey, isbitaalka waxaa aasaasay dawladii dhexe ee soomaaliya sanadkii 1987 isaga oo ilaa mudadaa qabyo ahaa ayaa waxaa la rajaynayaa in goordhow la isticmaalo dayactirka kadib.

isbitaalku wuxuu ka kooban yahay ilaa 35qol, 3hool, 8 musqulood, iyo dayr ku wareegsan waa isbitaal dhamaystiran oo heer gobol,ah marka laga fiiriyo adeega uu bixinkaro.

Isbitaalka labaad ee dayactika uuku socdo wuxuu masaafo aanka fogayn 100mt ujiraa isbitaalka guud ee degmada Garbahaarey oo,ah isbitaal aad u weyn waxaana ilaa 22sano gacanta ku hayo hay,ad ajnabi,ah, waana isbitaal leh adeeg casri,ah oo aad,u sareeyo, isbitaalka guud ee degmada garbahaarey wuxuu bixiyaa adeegyo caafimaad oo kala duwan oo uu siiyo deegaan balaaran oo hoos yimaado degmada, .

Dr. Aadam c/qaadir xaashi oo ah Maamulaha isbitaalka Garbahaarey oo laga wareystey sida uu,u arko dayactirka isbitaalka qabyada,ah iyo waxa uu soo kordhinkaro ayaa wuxuu noo sheegay inuu soo dhawaynayo arinkaan wuxuuna intaa ku daray in isbitaalkan cusub oo u dhisan qaab casri,ah masaafo ahaana aan ka fogayn isbitaalka guud ee degmada in,ay iskaashi wada yeelan doonaan labada isbitaal ugu danbayn wuxuu Dr. aadam umahad celiyey gabdhaha soomaaliyeed ee isu xulsaaray hawshaan balaaran ee waxku oolka,ah.

isbitaalka waxaa qarashka hada lagu bilaabay dayactirkiisa soo aruuriyey oo bixiyey gabdhaha gobolka Gedo ee qurbo joogta u,badan iyaga ayaana maamulka dhismihiisa gacanta ku hayo iyadoo ay wakiil ka tahay gabadha magaceeda la yiraahdo Luul maxamed Aadam oo,ah gabar firfircoon oo u ol olayso arimaha horumarka bulshada, si firfircoona uga qaybqaadato horumarka deegaanka.

waxay balan qaadeen gabdhaha dayactirayo isbitaalka markii uu dhamaystirmo dayactirka isbitaalka in ay keeni doonaan qalab casri,ah isbitaalkuna uu noqon doono mid,u shaqeeyo qaab casri,ah ayna uraadin doonaan wixii agab,ah ee uu isbitaal u, baahanyahay.

maamulka degmada iyo bulshada deegaankaba waxa ay aad usoo dhaweeyeen, mahad balaarana usoo jeediyeen talaabada taariikhiga,ah ee ay qaadeen gabdhaha gobolka Gedo, waxayna intaa ku dareen in gabdhaha soomaaliyeed ay yihiin gabdhaha oogu horeeyo caalamka marka lag eego dhinacyo fara badan waxaana lawada ogyahay culaysyada faraha badan ee ,ay bulshada u hayaan.

sidoo kale waxaa si tabarucaad,ah isbitaalka oogu deeqay kaarokooyin jay, iyo dhagax,ah qaybo kamid,ah gaadiidleeyda deegaanka, waxaa kale oo ay wadaan gabdhaha deegaanka olo ole ay lacag ku aruurinayaan si,ay uga qaybqaataan dayactirka isbitaalka.

Kharashka kubaxayo dayactirka isbitaalka wuxuu gaarayaa $380,000 (sadex boqol iyo sideetan kun oo doolarka marakanka,ah), ilaa iyo hadan waxay gabdhaha uruuriyeen lacag gaarayso $50,000 (konton kun oo doolarka maraykanka,ah)

waxaanan baaq usoo jeedinaynaa in,ay bulshada deegaanka u istaagaan dayactirka isbitaalka waxaanan si gaar,ah ubaraarujinaynaa Raga inay ku daydaan gabdhaha.

DSC00265 DSC00263 DSC00256 DSC00254 DSC00253 DSC00252 DSC00250 DSC00249 DSC00237 DSC00234 DSC00233 DSC00232 DSC00226 DSC00224 DSC00222 DSC00217 DSC00214 DSC00213 DSC00196 DSC00194 DSC00191 DSC00186 DSC00184 DSC00183 DSC00179 DSC00177 DSC00255 DSC00251 DSC00236 DSC00228 DSC00218 DSC00198 DSC00187 DSC00180

FG:Wixii faahfaahin iyo kala xiriir.

Luul Maxamed Aadam
Tel: 
+25261-7136428.

Maxamed Ibraahim.
hammaamibraahim@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com