Firxadka Alshabaab xagee kudhamaandoona? W/Q.Suldaan Ali Abdulahi Hassan

0

Shacbiga Soomaliyed ayaa kasoodaalay dhibaato dhinacyo badan leh,waxaana xiligaan soconaya latacaalista unugyadii ugu danbeeyey ee dhibaatadii dalka kadhacaday mudadii 24 sano kudhawayd.Waxaana markiiba maskaxdaada kusoo dhacaya Unugyada la sheegayaahi waa kuwee? balse aan kuusahlo jawaabtee akhriste waa Kooxdii Alshabaab oo raqdoodu banaanka Taalo xiligaan,waxaana lafilayaa in ay u qaybsamaan afar qaybood.

A- Qaybta kowaad waxay dhexgeli doonaan qabiilkooda Kadibna waxay lasoo bixi doonaan weji cusub oo ay doonayaan inay uga mid noqdan shacbiga.

B- Qaybta labaad ayaa noqon doonta qayb kujiri doonta jabhadayn iyo dagaal kudhufo oo kadhaqaq ah, waxayna kusoo Biiri doonaan qaybtii hore oo qabiilka megen gashay, balse waxay la kulmi doonaan dhibaatooyin dhowra maxaa yeelay intii ay jireenba waxay kadagaalamayeen Magaalooyinka oo way kucuslaan doontaa inay kujiran dhulka miyiga ah.

C- Qaybta sadexaadna waa qaybta loo yaqaan amiirada waxayna raadin doonaan wadooyin iyo surimo ay kubaxsadaan oo ay kugaaran dhulka aan laga aqoon,waxaana intooda badani tegi doonaan Gobolada Soomaliland & Puntland, waxayna sii mari doonaan dhinaca Badda iyagoo xiriir fiican laleh kooxaha badaha kaqaraabta oo weli jiritaankoodu sii muuqdo.

Hadaba qaybta ugu dhibka badani waa qaybta kusoobiirta qabiilooyinkoda kadibna lagu dhexqariyo shacbiga waxayna geysan karaan dhagaro farabadan,waana halis aan qiyaas lahayn soogelintoodana waxaa sahli shaqsiyaad kamida Madaxda Qabaa,ilka xubno dawladda kujira,iyo weliba Ganacsatada oo la ogyahay inay xirir fiican la leeyihiin. xiriirkaasi oo ahaa intiisa badan mid daneed. Waxana qaybaha qoraalkan kuxusan laga doonayaa inay kafogaadan samatabixinta Unugyada Alshabaab ee dadka kusoo dhuumanaya.Mida kale waa in ciqaab guud laga soosaaraa cidkasta oo gacansiida Dhagarqabayaasha una sahasha inay baxsadaan ama fuliyaan dhagarahooda.

Ugu danbayntiina shacbiga Soomaliyed kuwa gudaha Jooga iyo Qurba-joogtaba waa inay taageeran Hawlgalka Milateri ee Ciidamada Dawladda Federalka & kuwa garabsiinaya ee Amisom, sidoo kalena ay Gacansiiyaan dadka kabarakacay Goobaha Alshabaab horey gacantooda ugu jiray.

W/Q. Suldaan Ali Abdulahi Hassan
Shacbaan5@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com