Dhageyso:Kenya oo Qaxootiga Somalia ku amray in xerooyinkoodi ku laabtaan

0

 Neyrobia(AGGM):Waa isku day lagu xadeenayo weerarada dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay ka geesanayaan gudaha dalkaasi Kenya oo ay dowlada Kenya ay amar ku siisay qaxootiga Soomaalida ku sugan dalkaasi in ay dib ugu laabtaan xerooyinka qaxootiga dalkaasi.

Joseph Olelenku wasiirka arimaha guadaha Kenya ayaa war uu soo saaray ku sheegay in talaabadani ay tahay mid loo qaaday dhanka amaanka balse waxaa la filan karaa in talaabadasi ay la kulmi karto cambaaren kaga timada hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha.

Qaxootiga Soomaalida ayaa loo diiday in ay ku sii sugnaadan magaaloyinka dalkaasi kaliyana loo ogol yahay in in waxbarashada iyo arimaha dhanka cafimadka ay u tagaan.

Olelenku ayaa u sheegay qaxootiga iyagu dibad joog ka ah xerooyinka Kakuma iyo dadaab ay dib ugu laabtaan xerooyinkoodi qofkii talabadasi kor yimaadana ay cadaalada horgeen doonanan.

Afhayeenka wasarada arimaha gudaha oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in arintaani ay tahay mid amaanka lagu xaqiijinayo laguna doonayo in looga hortago in ay dhacaan wax lamid ah qaraxyadii Mombasa iyo weerarkii westgate lagu qaaday.