Madaxweyne Vladimir Putin Maku Joogi Doonaa Crimea? W/Qoray: Muxammed Suldaan Siciid Cismaan

0

Hordhac iyo gogol-dhig: Mahad dhammaanteed Eebbe baa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato rasuulkeenii suubanaa Muxammed Ibnu C/laahi (SCW)

Taariikhdu waxay naga caawisa noona fududaysa fahanka xidhiidhka kadhexeeya dhacdooyinkii hore iyo waaqiciga taagan markaas. Haddii aad rabto in aad arrin si qotodheer u fahanto, waxaa muhiim ah in aad asalkeedii hore baadhid si aad dhab ahaanteeda u fahantid.

Bishii Febaraayo ama Todob qofba siduu u yaqaan ee sannadkii 1938 ayaa bannaanka waxaa usoo baxay dareen ah in hoggaamiyihii Jarmalka ee markaas Adolf Hitler uu damacsan yahay in uu duullaan ku eekeeyo gobolkii Sudetenland ee kutaxnaa waqooyiga iyo koonfur galbeed ee dhulkii laysku odhan jiray Czechoslavakia. Sababtu waxay ahayd iyadoo gobolkaas ay u badnaayen dad asalkoodu Jarmal yahay isla mar’ahaantaana aan kuqanacsanayn kamid ahaanshaha Czechoslovia, arrintaasi markii ay soo ifbaxday oo la oggaaday, waxaa bilaabmay dadaallo badan oo lagu baajinayo dagaal dhaca iyo mushkilad ka abuuranta Yurub dhexdeeda.

15 bishii Sebtembar ama Karan qofba siduu u yaqaan ee isla sannadkaas, ayaa ra’isulwasaarihii muxaafidka ahaa ee Ingiriiska mudane Naville Chamberlain wuxuu magaalada Berchtesgaden oo kutaal 180 KM Koonfurbari ee magaalada Munich kula kulmay hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler si uu arrintaas ugala xaajoodo. Wada hadahadalo dheer oo aan waxba laysula hadhin kadib, Adolf Hitler wuxuu dalbaday in dhulkaas lagu soo wareejiyo Jarmalka si dagaal looga baaqsado, Chamberlain wuxuu kacodsaday Hitler in uu kawarsugo oo arrinta uu ka odayeyn doono wayna isku afgarteen.

Naville Chamberlain wuxuu xidhiidh lasameeyey dhigiisii dalka Faransiska ee markaas oo lagu magacaabi jiray Edouard Daladier, wuxuuna uga waramay kullankii dhexmaray isaga iyo Adolf Hitler iyo wixii ay isku afgarteen. Edourd Daladier iyo Chamberlain waxay isku afgarteen in Czechoslovakia lagu qanciyo in ay dhulkaas iska wareejiso si ay duullaan uga baaqsato kaga yimaada Jarmalka, 29 isla bishaasna dhulkii waxaa lagu wareejiyey Hitler isagoo ayaamo kadibna gudaha ugalay kuna daray dhulka Jarmalka.

Adolf Hitler kuma joogin halkaas ee kullan kale oo isaga iyo Chamberlain kudhexmaray magaalada Bad Godesberg ee gobolka North Rhine-westphalia, wuxuu haddana kudalbaday in wixii dhul Czechoslovia kahadhay lagu kala daro Hungary iyo Poland taas oo Naville Chamberlain iyo Edouard Daladier diiden. Mudo yar kadib Hitler wuxuu qabsaday Czechoslovakia intii hadhay wuxuuna dhahay odhaahdii caanka noqotay ee ahayd “hadda baanu kudhaqaaqina mustaqbalkii weynaa ee Jarmalka” taas oo uu uga danlahaa meelo badan oo kale baanu uga sii gudbayna halkan(Czechoslovakia) waana tii uu Yurub oo dhan weerar ku qaaday dagaalkii labaadna bilaabmay.

Arrintaas waxaan uga sheekeyey isu eekaanshaha Hitler iyo Putin ee ah meelkasta oo dadkayagu deggaan haddii qaylo kasoo yeedho waanu tagayna. 4 bishii Ogoost ama Samalaho ee sannadkii 2008 waxaa ciidamada Ruushku soogaleen South Ossetia iyo Abkhazia oo dhul ahaam katirsanaa Georgia, waxaana Putin oo markaas ra’isulwasaare ah ku’andacooday in dhulkaas oo ay degan yihiin dad asal ahaan Ruush ah waajibaad dastuuri ah kasaaran yahay ka difaacidda ciidamada Georgia.

Muddo yar kadibna wuxuu Ruushku sheegay in South Ossetia iyo Abkhazia uu u aqoonsaday dowlado madaxbannaan balse uu wali amnigooda isagu mas’uul ka yahay walina dhulkaasi sidaas buu Georgia kaga maqan yahay.

Crimea Ruushka qiimo badan bay u leedahay dhinacyo badan marka laga eego, waa mar’e waxaa taariikhdu xustaa in Crimea tahay meeshii diinta nasaaradu gaar ahaan mad’habta Orthodox’ka ee dalkaas laga haysto kasoo gashay Ruushka oo cagga caqiidada iyo diinta qiimahaas bay u leedahay. Marlabaadka Ruushku meeshan dowlado badan baa dagaal kudhexmaray sida dowladdii Cusmaaniyiinta oo mudo dheer haystay iyo Ingiriis, Faransis iyo boqortooyadii Sardinia ee Talyaaniga, waxaana lasheega in ciidamo marka laysku daro hal milyan gaadha Ruushka dagaaladaas kaga dhinteen. Waxaa kale oo jirta in ay saldhig u tahay qayb kamid ah ciidamada Ruushka ee badda Baltic kuwaas oo loo yaqaan Black sea Fleet.

Waxaa kale oo in laxusuusto mudan in Crimea Ukraine lagu daray bishii Febaraayo ama Todob ee sannadkii 1954 markaas oo hoggaamiyihii Itaxaadka Soofiyeedka Nikita Khrushchev sheegay in uu hadyad ahaan Crimea ugu darayo Ukraine. Sababta wuxuu kusheegay iyadoo maalintaas laga joogay 300 oo sanno markii dadka reer Kiev; markaas wadamo majirin’e aqbaleen in ay kubiiran boqortooyadii Tsar ee Ruushka katalinisay, wax dhib ahna looma arkay waayo Ruushka, Crimea iyo Ukraine’ba waxay kawada tirsanaayen oo isla ahaayen Itaxaadkii Soofiyeedka.

Qabsashada Crimea ee Ruushku waxay cabsi badan kuhaysa jamhuuriyadiihi hore uga dirsana Itaxaadkii Soofiyedka sida Latvia, Estonia iyo Lithuania. Sababtu waxay tahay dhammaan wadamadan waxaa kunoo tiro dad laga badan yahay laakin asal ahaan Ruush ah, Latvia haddii aan tusaale usoo qaadanno 27% oo 2 milyan ee wadankaasi kakooban yahay ah asal ahaan waa Ruush , magaalada dhanka bari dhacda ee layidhaahdo Daugavpils dadka kunool 51% waa Ruush asal ahaan cabashooyin in si xun loola dhaqmo iyo sharciyada Latvia oo lagu adkeeyana way kacabanayeen in muddo ah. Haddii ay hadda mudaharaadan oo dhahaan Latvia marabno Ruushku ma ciidan buu u diri si uu u ilaasho?

Estonia sidaas silamid ah, waxaa kunool bulsho asal ahaan kasoo jeeda Ruushka, tusaale ahaan magaalada Narva waxay kutaala xuduuda Ruushka iyo Estonia waxayna isu muuqdaan magaalada Ivangorod ee Ruushka kutaal. Haddii dadka magaaladan deggan oo in badan oo kamid ah asal ahaan Ruush yihiin, ay dhiirigaliso waxa Crimea kadhacay oo ay dhahaan Estonia marabno maxaa lafilankara? Cabsidaasi way jirtaa inkasto wadamadani katirsan yihiin Nato oo xaggaas difaac kafilan karaan, haddana qar iska xooridda Vladimir Putin iyo go’aan qaadasho la’aanta reer galbeedka waxkasta waa lafilan kara.

Haddaba maxaa xal ah?

Aniga waxay ila tahay in arrintani tahay khatar kusoo korortay hannaankii dowliga iyo sharciga ee caalamku kusocday, in waddan uu kuduulo waddan kale oo madaxbannaan, xoogna kukala jaro maaha wax qarnigan koob iyo labaatanaad socon kara. Sidaas awgeed waxaan kutalin lahaa in dhawr qodob lagu dhaqaaqo si Putin iyo dadka rayigiisa qaba looga hortago.

1: In cunaqabatayn noocyo badan ah lagana fakaray Ruushka lagu soo rogo, sababtu waxay tahay Ruushku maaha sidii uu ahaa markii uu ahaa Itaxaadka Soofiyeedka oo kale. Maanta dhaqaalaha Ruushku caalamka buu kuxidhan yahay macaamilna lalee yahay, waxaa uu leeyahay sayladaha saamiyada lagu kala iibsado(Stock Exchange). Waxaa maal qabeenada Ruushku guryo waaweyn iyo maalgashi badan kulee yihiin Yurub, dhaqaalo badan oo markii horeba si khaldan lagu kasbaday baa buuxa bangiyada reer Yurub cunaqabatayntuna waa danqaysa oo xanuujinaysa.

2: Dadka isbadal-doonka ah ee Ruushka ah waa in gacan lasiiya si ay hoggaanka wadankaas u kasbadan Ruushkana uga dhigaan xubin waxtar leh oo beesha caalamka katirsan. Waxaynu ognahay in Vladimir Putin aad loogu kacsan yahay dhaqaalaha wadankaasina gaabis yahay cunaqabataynkasta oo lasaarana ay dhib u keenayso, si kacdoonka looga soo horjeedo uu u xoogaysto waa in gacan muuqata lasiiyaa xoogaga dimuqraadiyad doonka ah iyo ururada dhalinyarada ee dalkaas kajira.

3: In dowladda Ukraine gacan dhaqaale lasiiyo si qas siyaasadeed looga baaqsado. Waxaynu ognahay in wadankaasi dhexmuquurtay dhaqaalo la’aan daran taas oo ah mushkilad xal degdeg ah u baahan, waxaa sido kale daruuri ah in aan laga yeelin Ruushka in uu qas ka abuuro dhanka bari ee Ukraine sida magaalooyinka Donetsk iyo Kharkov, halkaas oo mushtac badan oo luuqada Ruushka ku hadlaa degan yihin lana sheegay in sirdoonka Ruushku kawadaan falal qarsoon oo kacdoon lagu abuurayo si markale Putin marmarsiinyo ugu helo uu ciidammo ugu diro.

Inkastoo arrintan aan xeelad military lagu xallin Karin oo reer galbeedku hadda niyad iyo awoodtoona u hayn qaadashada go’aan sidaas oo kale ah, haddana waxaa jira siyaabo badan oo Ruushka loo danqi karo.

W/Qoray: Muxammed Suldaan Siciid Cismaan
Arday barta History iyo Sociology
Kingston University London, Uk
Suldaanz@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com