Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho Oo Leeysku Shaandheenayo Iyo Gudoomiyeyaashi Huriwaa Iyo Dharkeenleey Oo Seefta Haleeshay.

0

Muqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Muungaab, ayaa lagu soo waramayaa inuu markaana xilalkoodii ka qaaday Gudoomiyaasha Degmooyinka Huriwaa iyo Dharkeenleey.

Gudoomiye Muungaab, ayaa la sheegay inuu Gudoomiyaal Cusub oo aqoonyahano ah u magacaabay labadaas Degmo.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley ayaa waxaa loo magacaabay nin dhaliyaro ah oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Cumar oo la sheegay in dalka Uganda uu ku soo waxbartay, waxaa uu bedelay Gudoomiyihii hore Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo ahaa nin da’ ahaa.

Sidoo kale Cumar Cabdulle Jacfaan oo ahaa Gudoomiyihii Huriwaa ayaa isna waxaa lagu bedelay nin kale oo ay isku heyb yihiin, waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed Qoslaaye.

Gudoomiye Muungaab, ayaa horay xilka uga qaaday Gudoomiyihii Degmada Shibis, kaasoo lagu badalay isna wiil dhalinyaro ah oo dalka Sudan wax kusoo bartay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com