Baarlamaanka Somalia oo maanta Furmaya iyo Amaanka Xarunta oo la Adkeeyey

0

Muqdisho(AGGM):Fadhigii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u furmaya ka dib markii mudo ay Fasax ku maqnayeen Golaha wakiilada Soomaaliya.

Amaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa si weyn loo adkeeyey,waxaana Wadooyinka soo gala Xarunta Amaankeeda sugaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Waxaa lagu wadaa in Baarlamaanka Soomaaliya ay ka Doodaan Sharciyo Dhowr ah oo Baarlamaanka loo soo gudbiyey intii ay hore u shaqeynayeen iyo kuwa intii ay Fasaxa ahaayeen soo gaaray.

Fadhiga Golaha Baarlamaanka ayaa maanta waxaa Shir Gudoomindoona Gudoomiyaha Baarlamaaka Prov.Max;ed Sh Cismaan Jawaari.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com