Al-shabaab oo Xalay Weeraray Degmada Buulabarde

0

Buulabarde(AGGM):Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda FS iyo kuwa Midowga Afrika oo dhinac ah iyo Kooxda Al-shabaab ayaa Xalay ka dhacay Degmada Buulabarde.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu yimid ka dib markii Al-shabaab ay Magaalada soo weerareen Magaalada Buulabarde oo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay gacnta ku hayaan.

Waxaa Dagaalka ka qeyb qaatay Gaadiidka Dagaalka sida ay Allgalgaduud Media  ay u sheegay Goobjoogeyaal ku sugan Buulabarde.

Waxaa la sheegay in Dagaalka uu soo gaaray 5:00 Subaxnimo ee Saaka Aroortii,waxaana jira Madaafiic ku dhacday Magaalada Buulabarde oo Khasaaro ay ka soo gaartay Dad Shacab ah.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalka Xalay ayaan la ogeen,waxaana go’an Isgaariisnta Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com