Dhageyso:Xukumadda Soomaaliya oo Sheegtay in aysan jirin Ciidamo Ahlusunno ah

0

Muqdisho(AGGM): C/laahi Goodax bare Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya oo maanta la hadlayey Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin Wax Ciidamo ah oo ay leeyihiin Ahlusuna Waljameeca.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Ahlusuna ay yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya islamarkaana Heshiis bilo ka hor ay wadagalen Ahlusunna iyo Dowladda Ciidamada Ahlusunna lagu Wareejiyey Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku daray Wasiirka in Ciidamada Ahlusunna iyo kuwa Dowladda ay Isku mid yihiin oo ay Magaca Dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyana.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Wasiirka

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com