Jabuuti oo xaqiijisay in shan askari looga dilay weerarkii Buulo-burde.

0

Jabuuti (AGGM): Jabuuti ayaa xaqiijisay in shan askari looga dilay weerarkii dhowaa ee kooxda Al-Shabaab ay ka geysatay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa habeenkii Isniinta waxay weerartay hoteel ku yaalla magaalada Buulo-burde oo ay ku sugnaayeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Jabuutiyaan ah.

Waxaa weerarka ku dhimatay shan askari oo Jabuutiyaan ah, toddobo kalena waa ay ku dhaawacantay, sida ay xaqiijisay wakaaladda wararka ee Jabuuti (ADI) iyadoo xiganeysay Jeneraal Cismaan Subagle oo ah abaanduulaha ciidamada AMISOM, isla markaana ah taliyaha ciidanka Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Jeneraal Subagle ayaa weerarka kaddib sheegay in ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaalida ay iska caabbiyeen weerarka ay soo qaadday kooxda Al-Shabaab.

“Dhaawacyada waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Nairobi, ka hor inta qaar ayaga ka tirsan oo u baahnaa adeeg caafimaad oo deg-deg ah aan loo wareejin Koonfur Afrika,” ayuu yiri abaanduulaha AMISOM.

Subagle wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay isku dayday inay dib u qabsato magaalada Buulo-burde, oo toddobaad ka hor ay qabsadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa dalka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Magaalada Buulo-burde oo 210 km u jirta caasimadda Muqdisho waxaa shantii sano ee la soo dhaafay ku sugnayd kooxda Al-Shabaab, taas oo ka dhigatay mid ka mid ah xarumaheeda ugu muhiimsan. Magaalada waxay leedahay buundo istiraatiiji ah oo isku xirta gobollo kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya.

Jabuuti ayaa sanadkii 2011 u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ciidamo gaaraya 1,000 askari si ay uga qeyb-qaataan dadaallada la doonayo in lagu soo celiyo amniga iyo kala dambeynta dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com