Dhageyso:Wasiiro Somaliland ah oo Dhaawacmay

0

Burco(AGGM):Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa gacanta midig ka dhaawacmay, ka dib markii gaadhigii uu watay ay isku dhaceen Gaadhigii uu Watay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye).

Shilkan ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay deegaanka Geelo Kor, waxaanay labada gaadhi ee isku dhacay isla markaana ay kala wateen labada wasiir ay ka mid ahaayeen waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo isagu saaka ka soo amba-baxay Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo uu labadii habeen ee ugu dambeeyay u hoyday.

Dhinaca kale waxa la sheegayaa in uu shilkaasi baabuur ku dhintay rabbi Naxariistee Jano ha ka waraabiyee Caaqil

Halkaan Hoose ka dhageyso