Kenya iyo Raas kambooni oo Kismaayo lagu Weeraray

0

Kismaayo(AGGM):Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ayaa Xalay Weeraray jaamacada  Magaalada Kismaayo ee Xarunta  Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya  in Weerarka uu dhacay Saqdii dhexe ee Xalay ka dib markii Al-shabaab ay Weerar Dhowr jiho ay ay ku soo qaadeen Jaamacada Magaalada Kismaayo oo Fariisin u ah Ciidamada Kenya iyo Maleeshiyada Raas kambooni.

Khasaaraha ka dhashay Weerarka Xalay ayaan la ogeen,sababtoo ah Xiliga oo habeen ahaa owgeed.

Waxaa la sheegayaa in uu jiro Khasaaro soo gaaray Ciidamada Kenya iyo kuwa Raas kambooni,inkastoo aan la sheegin Tirada Dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay.

Dhanka kale inta u dhaxeyasa Deegaanka Kulbiyoow ayaa lagu soo waramayaa in Qarax loo dhigay Gaadiid ay wateen Ciidamada Kenya,ayadoona la sheegay in halkaa lagu gubay Gaari Booyad ah oo Shidaal u waday Ciidamada Kenya.

Wali ma jirto Cid Xaqiijisay Khasaaraha ka soo garay Kenya Qaraxa loo dhigay Gaadiidka ay la socdeen ee ka dhacay Kulbiyoow iyo Bu’aale inta u dhaxeysa.

Isha ku hay Allgalgaduudmedia

Allgalgaduud@gmail.com