Uganda oo Ciidamadeeda Heegan Galisay

0

Kambaal(AGGM):Booliska Uganda ayaa sheegay in ay ka digayaan shirqool weerar argagexiso  ah oo suurta gal ah in lagu qaado gudaha dalkasi Uganda oo ay soo maleegayaan dhaq dhaqaaqa Al-shabab waxana laga baqaya weeraradi in ay ka fuliyeen goobaha shidaalka laga qaato ee dalkaasi.

Sirdoonka Uganda ayaa sheegay in ay hayaan macluumad muujinaya weerar argagexiso ah oo Al-shabab ay qorshenayan in ay ku qaadan dalkasi iyagoo soo adeegsanaya gawaarida shidalka lagu qaado sidaasi waxa sheegay ku xigeenka afhayenaka booliska Batric Oniango.

Waxaa la adkeeyay amaanka caasimada Uganda ee Kambala iyo goobaha kale ee shidaalka dalkaasi laga qaato.

Sirdoonka waxa uu sheegay in ciidamo badan ay geeyen goobaha weeraradaasi looga baqdin qabo.

Saraakisha la dagaalanka aragagexida dalkaasi Uganda waxaa loo xilsaaray la socoshada gawaarida shidalka qaada ee kasoo amba baxa soodinta Kenya iyo Uganda wadaagan.

Waa markii 2-aad oo ay Uganda ka digayeso weeraro ay Al-shabaab doonayan in ay ku qaadan dalkaasi.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com