Sudan: Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka sudaan oo ka cabanaya dhibaatoyin ay ku hayaan masuuliyiin ka tirsan safaarada.

0

Sudan: Ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha dalka sudaan aya waxa ay sheegeyn musuqmaasuq daran inu ka jiro safaarada iyago ka cabanaya Qunsulka safaarada Ibraahim Guure iyo u qeybsanaha tacliinta iyo hiddaha C/qaadir Guulane.

Ardayda aya sheegeyn in lacago gaaraya 50 jineey looga qaado safaarada oo u dhiganta 7$ xiliyada ay ku jiraan ijaraa’adka dalkaasi waxaa sidoo kale safaarada ay meel uga dhacday qiimaha iyo sharafta Passporka Soomaaliya iyago dhaafsaday qiimo yar oo lacag ah waxa ayna sheegeyn in lacagtaasi ay tahay mid loogu sameynayo warqad ah codsi.

Mid ka mid ah ardayda wax kabarta jamacada sudan aya yiri (Aniga waxaan arkay xiliyada aan ijara’aadka ku jiro in qofki wata passporka Soomaaliya loo diro safaaradiisa si uu uga keeno warqad cadeeyn ah waxaase la yaabay oo aanan wali arag wadan kale oo sidaasi loogu dirayo safaaradiisa waxaan ogaaday in safaarada ay tahay halka ay xaajada ka qurunsan tahay waayo waxey intaasi u sameynayaan si lacag yar ay u dhaafsadan warqada nalagu amro ma ahan arintaan mid aan ku eedeynayo dowladda Sudan waayo safaarada ayaa ka danbeysa arintaan waayo waqti hore ma ayey sidaan o kale jirtay waana la iska daayay waxaase dib usoo furay arintan safaarada marka dhibka ay safaarada nagu hayso ma ahan midaan intaasi kuso koobi karo). Ayu yiri mid ka mid ah ardayda aan la xariirnay.

Sido kale safaarada aya soo fara gashatay oo baajisay xaflado lagu doonayay in xilka lagu wareejiyo hogaanka cusub ee itixaadka ardayda soomaaliyed ee dalka sudaan waxaana si cad u baajiyay Ibraahim Guure iyadoo ay xusid mudan tahay in ardayda doorasho si xaq ah u dhacday ay ku doorteyn hogaankan cusub.

Ugu danbeyntii waxa ay ardayda sheegeen in ay sameyn doonaan banaax baxyo ay ku muujinayaan dhibka ay ku hayso safaarada maadaama aysan jirin cid ay uga dacwoodan safaarada iskana indho tirayaan Madaxda dowlada Somalia arintaan waxa ayna u mahad celiyeen shacabka iyo dowlada Sudaan waxa ayna sheegeen iney tahay Sudaan meel ay nabad galyo iyo xoriyad buuxda ay ku joogaan .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com