Raisul Wasaare C/wali Sh Axmed oo Booqan Doona Gobolada la Xoreeyey

0

Muqdisho(AGGM): Warar Hoose oo ay Warbaahinta Allgalgaduud Media ay ka heshay Xafiiska Raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in Maanta Raisul Wasaaraha uu Booqon Doona Qeybo kamid ah Gobolka Bakool,Gedo iyo Hiiraan oo dhawaan laga Xoreeyey Al-shabaab.

Waxaa la sheegayaa in Raisul Wasaaraha uu Tagi doono Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,Buurdhuubo Gobolka Gedo Buulabarde Gobolka Hiiraan,

Waxaana halkaasi uu u kuurgali doonaa Xaalada Dhabtaa ee ay ku nool yihin Dadka ku nool Degmooyinkaasi Al-shabaab laga Xoreyey.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com