Madaxweynaha Ruushka Oo Saxiixay Madaxbanaanida Crimea.

0

Moscow (AGGM): Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saxiixay wareegtada uu ku aqoonsanayo madax banaanida Gobolka Crimea. kadib aftidii maalin ka hor dhacday ay dadweynaha gobolkaas ku ogolaadeen inay u go’aan Ruushka.

Mr Putin ayaa u aqoonsaday Gobolka Crimea dal xornimadiisa qaatay, iyadoo tallaabadan ay si aad ah uga soo horjeestay Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Ukraine ayaa ku tilmaamay aftida Gobolka Crimea mid sharci daro ah oo aan xaq aheyn, waxaana ay cambaareysay gacantii uu Ruushka ku lahaa madax banaanida.

Dadkii dhiibtay cododka ay ku cadeynayeen in Crimea ay xor ka tahay Ukraine ayaa gaarayay 97%, waxaana lagu qiyaasayaa qowmiyadaha u badan gobolkaas inay ka soo jeedaan Ruushka.

Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa cunaqabateyn saaray Ruushka, iyagoo ka jawaabaya taageerada in Crimea ka go’do Ruushka.

Ilaa Todobo sarkaal oo Ruushk ah ayaa la saaray xayiraad, waxaa gebi ahaanba la xanibayaa hantidooda iyo safarkooda dibadaha.

Xiisada u dhaxeysa Ruushka iyo reer Galbeedka ee ku wajahan arrinta Crimea ayaa sii xoogeysaneysa, tan iyo markii Ruushka ciidamadiisa soo galeen gobolkaad, kadib markii la afgambiyay Madaxweynihii Ukraine oo u janjeeray dhinaca Ruushka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com