Dowladda Imaaraadka Carabta oo danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya.

0

Muqdisho (AGGM): Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya kaas oo wakiil uga ahaan Dowlada Imaaraadka Carabta ,waxaana lagu magaaabay Munaasabad ka dhacday Guriga Madaxtooyada Abu Dibai.

Wakiilkaa cusub ee loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay Wakaaalada Wararka Imaaraadka Carabta waxaana la sheegay in wakiilkaa cusub dhawaan imaan doono Soomaaliya.

Danjiraha la magacaabay ayaa lagu magacaabaa Mohamed Axmed Asmaan Al Xamadi waxana la sheegay in Danjirahaa cusub loogu yeeray in uu ka shaqeeyo Xariirka Soomaaliya iyo Dalka Iskutaga Imaaraadka.

Xariirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ah mid aad u waangsan waxaana la filayaa in dhawaan Wakiilkaa cusub yimaado Soomaaliya si waraaqdiisa aqoonsiga u gudoonsiiyo Madaxda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com