Daawo:Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Geneva Uga Qeybgalaya Shirka Midowga Baarlamaannada Caalamka

0

Geneva (AGGM): Magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaa si rasmi ah uga furmay shalay oo Isniin aheyd 17ka bisha March shirka Midowga Baarlamaannada Caalamka ee Inter Parliament Union (IPU) ayadoo shirkaasina uu Soomaaliya uga qeybgalayo Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen (Coonka) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa furay Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon oo New York isaga oo jooga khudbad dhanka internetka jeediyey waxaana markaasi kadib la wareegay Xoghayaha guud ee IPU Mr Andenrs Jonson oo isagu khudbaddiisa ku muujiyey muhiimadda ay leedahay in Baarlamaannada Caalamka ay xiligan yeeshaan iskaashi iyo wadashqeyn joogta ah.

Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen (Coonka)oo Soomaaliya shirkan u metelaya ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay xubnaha ka socda walaalaha Jabuuti ee shirka u meteleya,wafdiga ka socda Baarlamaanka dalka Uganda,wafdiga ka socda Imaaraadka Carabta oo uu hogaaminayo afhayeenkooda Baarlamaanka Abuu Axmed iyo gudiga Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyahooda
Baarlamaanka.

Dhowaan ayey aheyd markii uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku guuleystay inuu si buuxda usoo ceshado mudo 40 sano ah kadib
xubinnimadiisa midowga Baarlamaannada Caalamka ee (IPU) waxaana maalinnimada khamiista ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 20-March
magaalada Jeneva ka dhici doonta doorashada Xoghayaha Guud ee Midowga Baarlamaannada Caalamka.

153 137 139 143 144 155 158 160 162 168 169

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com