Maqaal Xiiso Badan: AMISOM Kismayo oo noqotay xeyndaabka xadgudubyada iyo tacadiyada rayidka.

0

Ciidamada AMISOM oo dalka somaliya u jooga ilaalinta iyo nabad soocelinta dalka Somaliya ayaa waxeey howlgalo nabada lagu sugayo ka wadaan dhamaan gobolada konfuta iyo bartamaha somaliya. Degaano badan oo lagala wareegay Al –Shabaab ayaa waxaa dib loogu soo celiyay gacanta dowlada Federlaka Somaliya taas oo ay ka hirgelisay maamulo dib ugu soo celiyo adeegyadii buslshada ee Al- shaab ka hortagnayeen.

Degaanada Bay, Hiiran, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe waxaa ka jira maamulo ay bulshadu ay lee yihiin, waxaa ka howl gala ururo samafal oo ah kuwa caalamiya iyo kuwa maxali ah intaba, kwaas oo wax weyn ka qabata nolosha dadka degaanka degen. Waxaa si weyn hoos ugu dhacay tacadiyadii iyo xadgudbkii ka jiray xiligii Al shaab degaanadaasi. Ciidamada AMISOM ee jooga degaanadaasi waxaay ka qeyb qaatan amaanka gudha magaalayinkaas.

Waxaase isweydiin mudan ciidanka AMISOM eek a howlgala degaanda Kismayo wax ay ka hayaan degaandaasi, xiligii ay AMISOM la wareegatay KIsmayo waxaa ka bilooday barakcin, Dilala oo geysanayao dadka rayadika ee deeganka hanti boob fara badan iyo kufsi loo geysto hawenka. Ciidanka AMISOM ee Kismayo joogay waxeey hor istaagen in maamul loo dhiso dadka degaanka sida gobolada kale ee AMISOM gacanta ku haysay, waxeena diideen in dawladu la kulanto bulshada degaanka taas oo mucjiso ku noqotay dadka Somaliyed iyo aduunkaba.

Dowlada Federlaka Somaliya, haydaha UN, AU, EU, IGAD iyo ururda xuguuda aadnaha loo gubbiyay tirade iyo magacyada dadkii loo geystay tacadiyada iyo xadgudbka kuwaas oo tiradooda kor u dhaafayso 234 qofood oo isku jira rag, haweyn iyo carrur intaba. Waxaan hacabka Somaliyed u balanqadeynaa in aan i doona soo gudbino liiska asaga ah.

Hadaba AMISOM ta Kismaayo ma waxeey kismayo u joogta in ay noqoto xeendaabaka dadka loo geysto tacadiyada iyo xadgudubka. Habeen iyo maalin waxaa ka socoda Kismayo gudaheeda dilal, barakicin, kufsi taas. Shacabka degaanka waxeey awood u leeyihiin in ay iska dhiciyaan xadgudubyadasi iyo tacadiyaasi balase waxaa muuqada in AMISOM ta Kismayo ay dadkii gacmaha u hayso maleeshiyadka falakaas fulinayo.

Waxaa haatan soo shaac baxaday in ay AMISOM ta Kismayo ay ku fashilmeen howlgalkoodi iyo la shaqeynta dowlada Somaliya, taas ayaa waxeey keentay in la sameeyo geyb shaanad ee Kismayo u gaar ah. Waxaa kale oo soo shaacbaxaday in usan ka jirin Kismayo amaan shacabku ku seexan karaan xitaa kuwa sheeganaya maamulka Ayaan awoodin in ay ka hadlaan ama kormeeran xaalada magaalda. Amini daradaa inta leg meesha ay ka jirto waa in si deg deg ah wax looga qabataa, waxeeysa ka sii xun tahay goobaha ay ku harsna yihiin maleeshiyaadka Al shabaab

Abdi Geedi Warsame (Dhumac)

E-mail: dhumac21@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com