Xog: Maxaad Ka Taqaan Xasan Toori Oo Kamid Ah Hogaamiyeyaasha Al Shabaab.

0

Xog: Warbaahinta Allgalgaduud Media oo xog ka heshay nin kamid ah hogaamiyeyaasha Al Shabaab ee gobolka Gedo oo lagu magacaabo Xasan Toori ama Muxumad Cumar Warsame Toori loona yaqaan Mujaahidka.

Ninkan ayaa waxaa lagu magacaabaa Xasan Toori waxa uuna ku noolaan jiray magaalada Holstebro ee dalka Denmark.

Xasan Toori ayaa waxa uu magan galyo weeydiistay dalka Denmark 1996, Toori ayaa waxa uu aaday dalka Sacuudiga Xajki kadibna waxuun dalka Denmark ka tagay sanadi 2001 ama 2002 isagoo sii maray dalka Uganda, Xasan Toori ayaa hadda ah hogaamiyeyaasha ugu waaweeyn ee falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ee gobolka Gedo.

Xasan Toori ayaa waxaa uu uga laabtay dalka Denmark  si uu ugu biiro argagixisada Al Shabaab.

Falaagada Al Shabaab dadka ku biira ee ka taga dalalka Yurub ayaan wax dabagal ah oo sidaa u buuran Warbaahinta Soomaalida ku sameeyn, waxaaa u suurogashay in Warbaahinta Allgalgaduud Media ay dabagal ku sameeyaan ninka magaciisa la yiraahdo Xasan Toori ama  Muxumad Cumar Warsame Toori oo ah magaciisa runta ah.

Xasan Toori ayaa waxaa lacag looga diraa dalka Denmark waxaana lacagta u dira walaalkiis oo dalka Denmark oo dagan magaalada Odense ee dalka denmark.

Isku soo wada duuboo warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa weli waxay wadaa baaritaan ku aadan Xasan Toori iyo Walaalkiis waxii kasoo kordhana dib ayaa leeydinka soo gudbin doonaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com