War Deg Deg Ah: Taliyihi Ciidamada Daraawishta Puntland Ee Aaga Galgala Oo Hadda La Dilay

0

Bosaso(AGGM) Wararka hadda warbaahitna Allgalgaduud ka helayso Magaalada Bosaso ayaa shaacinaya in hadda la dilay Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Aaga Galgala kaasi oo la sheegay in kooxo hubeysani ku dileen Kontaroolka Magaalada Bosaso,waxaana sidoo kale kala dilay qaar ka mid ah ilaaladisa.

Goob jooge ku sugan Magaalada Bosaso ayaa warbaahinta Allgalgaduud u xaqiijiyey in dilka Taliyahaas oo lagu magacaabi jirey Jeneraal jaamac Saciid Warsame Afgaduud ayaa la sheegay inay jidka u galeen kooxo aad u hubeysan oo la aaminsan yahay inay yihiin kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta buuraha Galgala.

Sidoo kale waxaa wararku sheegayaa inay sarkaalka la dhinteen  qaar ka mid ah ilaaladiisa,waxaana sidoo kale qaarkood la sheegayaa inay dhaawacmeen kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay 4.

Ugu dambeyntii ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa inay halkaasi gaareen isla markaasna ay ku sugan yihiin meeshii dhibaatadu ka dhacday oo ay ka wadaan baaritaano dheeri ah,waxaana wararku tibaaxayaan inay baxsadeen kooxda dilka geysatey.

Afguduud-400x234

Warbaahinta Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com