Falaagada Al-shabaab oo Saaka Qarxiyey Baale ku yaala Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM)::Salaadii Subax kadib ayaa waxaa Qarax Xoogan oo laga Maqlay Xaafadaha Muqdisho.waxaa uu ka dhacay Wadada Maka Al-mukaramma ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu Xiray Baale kamid ah kuwa Cadceeda ku shaqeya ee Magaalada uu ka Hirgaliyey Maamulka Gobolka Banaadir,gaar ahaan Baalaha 41-aad ee  ku yaala Wadada Maka Al-mukaramma.

Waxaa lagu soo waramayaa in Qaraxa ay ku Dhaawacmeen Labo Ruux oo Shacab ah,kuwaas goobta xiligaa ka agdhawaa.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xiray Wadada Maka Al-mukaramma ee Magaalada Muqdisho,ayagoona Baaritaano ku sameenaya Baaleyaasha kale in Qaraxyo kale ay ku xiran yihiin.

Ishaku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com