Dhageyso:Wafdi Wasiiro ah oo Gaaray Degmada Xudur Gobolka Bakool

0

Muqdisho(AGGM):Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Sh Xasan Xaamud iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka somalia oo ka soo jeeda gobalka Bakool ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta gaareen degmada xudur ee xarunta gobalka Bakool taasi kamid ah degmooyinkii lagala wareegay al Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Maclin oo aan la hadlay ayaa waxaa uu kawrarbixinayaa wafdigii wasiirad ahaa ee gaaray magaalada Xudur iyo kulamo ay la leeyhiin maamulka iyo dadka deganka.

Raisul wasaarha somalia C/weli Sh Axmed Maxamed ayaa dhawaan sheegay in wasiiro ka tirsan xukuumada somalia iyo xildhibano ay tagi doonana degano shabaab laga qabsaday gobalada dalka sidoo kalana waxay xukuumad sheegtay in mas,uliyinta halkaa tagay aya gar gaar gaarsin doonaan deganadaasi gudoomiyaha xudurna waxaa uu sheegay in mas,uuliyinta maanta u tagay aysan wadin wax gar gaar ah oo loogu talagalay dadka Xudur.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com