Dhageyso+ Daawo Sawirada: Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Damaashaaday Magaalada Laasqoray Iyo Puntland Oo Awoodeeda Noqotay Inay Fariimo Idaacadaha Ka Dirto.

0

Laasqorey (AGGM): Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta oo Axad ah booqasho saacado yar qaadatay ku tagay magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag,waxaana socdalka uu ahaa mid an la shaacin oo qorsoodi ah.

Siilanyo socdalka uu ku tagay magaalada Laasqoray,waxaa qeyb ka ahaa xubno ka mid ah golaha wasiirrada ee maamulka Soomaaliland,kuwaaso ay ka mid ahaayen:wasiirka caafimaadka Soomaaliland Saleebaan Xagla-toosiye wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka bada, Buureed iyo Wasiirka Gaashaandhiga,Cadami.

Waxaa ay booqden dekadda iyo Isbitaalka, waxaana markii dambe la hadlay dadweyne meel la isugu soo uruuriyey,Siilaanyo waxaana uu sheegay inuu ka mahad-celinayo soo dhaweynta Laasqoray loogu sameeyey.

“Waan ku faraxsanahay imaatinkeena Laasqoray,waxaana noolugu soo dhaweeyey si qiiro leh oo wanagsan,farxad weyn bayna nootahay anniga iyo waftiga ila socda ee Laasqoray soo gaaray,waxaan nimid magaalo taarikh leh,…”””ayuu yiri Siilaanyo.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku ballan-qaaday Siilaanyo in degmad Laasqoray laga hirgalin doonno mashaaric kale gadisan,isagoona inta ku daray in si dhaqso ah loo fulin doonno ballan-qaadka.

23 22 21 20 19 18 17 16 15 13 12 11 10 9 8 7 6 5 4 3 2 1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com