Deg Deg:- Qarax Xoogan oo ka dhacay deegaanka Calamada

0

Afgooye(AGGM):Qarax Ismiidaamin ah ayaa Galabta lagu Qaaday Saldhig Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu Fuliyey Ruux Nafti Halige ah oo Watay Gaari Kaarib ah,waxaana uu Beegsaday Saldhig Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Calamada oo u dhaxeeya Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Waxaa Wararka ay sheegayaan in Qaraxa uu geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac leh oo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya soo gaaray.

Waxii ku soo kordha Allgalgaduud.com kala soco

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com