Dagaal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM):Maleeshiyada Al-shabaab ayaa Xalay Weerar ku qaaday fariisimo Ciidamada Dowladda Somalia iyo AMISOM ay ku leeyihiin Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa.

Dagaalka ayaa dhacay Saqdii dhexe ee Xalay ka dib markii Dagaal Xoogan Al-shabaab ay ku qaadeen Fariisimaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay halkaas ku leeyihiin.

Goobjoogeyaal ayaa Keydmedia online u sheegay Dagaalka uu ahaa mid Culus oo Mudo soconayey islamarkaana Dadka Cabsi galiyey.

Ilaa hada lama sheegin Khasaaraha ka dhashay Weerarka Xalay ka dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com