(Warbixin): Dowladda Soomaaliya Waxay Ku Fashilantay Kala Qaybinta Maamulka Koonfur Galbeed.

0

Munaasabad Ballaaran oo loogu magacdaray Israaca Shacabka Koonfur Galbeed ayaa ka dhacday Hotel Manchester ee Magaalada Baydhobo, kaasi oo lagu soo dhoweynayay Siyaasiyiintii kasoo baxay Shirka 3-da Gobol.

Dhamaadka Xafladda, Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Xubnahaan uu hogaaminayo Shiine Nuurow ayaa waxa ay isku afgarteen in si wada jir ah looga shaqeeyo Midnimada Koonfur Galbeed.

Shiine Nuurow, waa Guddoomiye kuxigeenkii Gobalka Shiine Macalin Nuuroow iyo rag kale oo siyaasiyiin ah, ayaa Todobaadkii tagay kasoo baxay Shirk ku sheegii Hotel Bakiin, waxaana ay ku biireen Maamulka Cusub ee Lixda Gobolka.
Shiine Macalin Nuurow ayaa sheegay inuu garwaaqsaday Rabitaanka iyo Danaha Shacabka Koonfur Galbeed, sidaa darteedna uu la shaqeyn doono Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Malaaq Cali C/raxmaan Cali Shiino oo kamid ah Odayaasha dhisay Maamulka Lixda Gobol, ayaa sheegay in Masu’uliyiin badan oo Shirka Saddexda Gobol kamid ahaa, ay usoo weecdeen dhanka Maamulka Lixda Gobol ee dhowaan lagu dhawaaqay, kaasi oo Madaxweyne loogu doortay Madoobe Nuunow Maxa’ed.

Waxaa lagu wadaa in uu Kulan ballaaran ka dhaco Xarunta ADC, kaasi oo lagu dhamaystirayo Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Dhawaan ayaa la filayaa in lasoo dhiso Golaha Wasiiradda Cusub ee Maamulkaasi, iyadoo sidaa kale ay bar bar.

Shariif Xasan, Axmed Madoobe & Faarax C/qaadir (Topaz) oo Talada ku xumaatay

Xubno kamid ah DFS ayaa ka waday Muqdisho iyo Baydhobo Shirar ay ku kala qeybinayeen Maamulka Koonfur Galbeed ee la kooban 6-da Gobolka.

Madaxtooyada Muqdisho ,ayaa Xalay ka dhacay Kulan Gaar ah oo ay yeesheen Wasiir Faarax C/qaadir (Topaz) iyo Xildhibaan Shariif Xasan (Sakiin), kadib markii uu bur buray Shirqoolkoodii ka socda Hotel Bakiin ee Baydhobo.

Dowladda Federaalka oo kasoo horjeeda Maamulka Lixda Gobolka ayaa u dirtay Baydhobo Shaqsiyaad Xil doon ah, si ay u huriyaan Dagaal Sokeeye, iyadoo lakala jebinayo Shacabka iyo Hogaamiyaashooda ay doorteen.

Markii uu soo baxay Warka ah in uu bur buray Shirkii Hotelk Bakiin, oo Siyaasiyiintii waday ay ku biireen Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa sii xoogeystay Walaac DFS iyo Axmed Madoobe ee ku aadan in uu xoogaystay Maamulkaasi.

Maamulka KMG ah ee Kismaayo, ayaa DFS u aqoonsatay in uu ah midka matala Shacabka Jubbooyinka, balse arintaasi waxa ay noqotay mid socon waysay, kadib markii Axmed Madoobe Shacabkii Mas’uulka looga dhigay uu Xasuuq ku billaabay.

Axmed Madoobe, oo markii hore Riyo ku tilmaamay Maamulka 6-da Gobolka ee Koonfur Galbeed ayaa Xaalka ku xuntahay, maadaama ay kusoo wajahanyihiin Duufaanno Colaadeed oo Kismaayo looga saarayo.

Maleeshiyada Raas Kambooni, ayaa kawada Kismaayo Dilal, Dhac iyo kufsi ku salaysan Qaab Qabiil, waxaana taasi ay keentay in Magaalada ay noqoto Meel Shacabka ay isaga baxayaan.

Dadka Kismaayo ayaa wajahaya Cabsi badan oo uga imaanaysa Kooxda Maleeshiyada Kooxda Raas Kambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com