Madaxweynaha Somalia oo Xilalkii ka Qaaday Gudoomiye kuxigeenadii Maamulka Gobolka Banaadir

0

Muqdisho(AGGM): Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Xilalkii laga Qaaday Kuxigeenadii Gudoomiyaashii Gobolka Banaadir,asagoona sidoo kale Boosaskaasi u soo Magacaabay Mas’uuliyiin Cusub.

Waxaa la sheegay in Wareegtada sidoo kale Dadka Xilalka lagu soo Celiyey uu ku jiro iimaan Nuur Ikar oo hore u ahaa Gudoomiye Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa la sheegay in ay Dhaqan Galeyso Marka uu Saxiixo Madxaweynaha Soomaaliya qalabka Warbaahintana laga Baahiyo.

Halkaan Ka Aqriso Magacyada iyo Mas’uuliyiinta la Magacaabay

Wareegtadaan ayaa madaxweynaha waxa uu xilka uga qaaday kuxigeenkii dhinaca siyaasada iyo Arimaha Bulshada Cali Axmed Guure waxaana lagu badalay Kamaaludiin Daahir Xasan oo ahaa Agaasimihii Madaxtooyada Somaliya waxaana hadda loo magacaabay kuxigeenka Gudoomiyaha gobolka ee dhinaca siyaasada iyo Dimograadiyeenta.

Sidoo kale wareegtada waxa lagu magacaabay kuxigeenka gudoomiyaha gobolka dhinaca maamulka iyo Maaliyada Mudane Ismaaciil macalin Cabdi Guure isagoo badalaya Iimaan Nuur Iikar oo xilkaasi hore gobolka Banaadir ugu magacaabnaa.

Wareegtada Madaxweynaha waxaa kale oo lagu magacaabay Iimaan Nuur Iikar inuu noqdo kuxigeenka Gudoomiyaha gobolka dhinaca Arimaha Bulshada.

Waxaa Xilkii gudoomiye kuxigeenkii gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga laga qaaday Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax) waxaana xilkaasi loogu daray inuu qabto gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Wareegtadaan ayaa waxa sidoo kale lagu magacaabay Mudane Maxamed Shiikh Cilmi Maxamuud (Amiin) kaasi oo noqonaya Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir waxaana xilkii xoghayaha guud ee gobolka Banaadir laga qaaday Mudane C/kaafi Hilowle Cusmaan.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com