DHAGEYSO:Taariikh nololeedkii Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec oo kooban

0

Allaha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe dalka Jarmalka ku geeriyooday Marxuum Max’ed Suleymaan Tubeec oo ka mid ahaa fanaaniinta aadka u caan baxay  ee somaliyeed.

Max’ed Suleymaan waxa uu geeriyooday isagoo da’diisu tahay 73 sano waxaana uu dhashay sanadkii 1941-kii waxaana uu ku dhashay magaalo la yiraahdo Laalis o ku taalla Dulleedka Magaalada Berbara ee gobolka Togdheerisagoo waxbarashadisii ku qaatay Magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariisto Max’ed Suleymaan Tubeec waxa uu ifka uga tagey 32 caruur ah oo isugu jira kuwa uu dhalay iyo kuwo uu awoowe u yahay iyadoo hadda uu nool yahay dadka la dhashay marka la eego  Jamaac Suleymaan oo  isna fanaan ah fankana uga horeeyay Max’ed Suleymaan hadana ku noo Magaalad Hageysa

Tubeec ayaa heestii ugu horeeysey waxa uu qaaday sanadii 1959-kii balse heestii uu ku soo caan baxay waxa ay aheyd heestii Gufaaco.

Max’ed  Cali Waji oo ah wariye ka howlgala Radio Hargeysa ahna shakhsi si gaar ah u aruurin jiray Tariiqda Max’ed  Suleymaan ayaa wax uu Radio Galjubba uga warbixiyey inta uu ka Xasuusto Tariikhdii Marxuum Max’ed  Suleymaan.

Max’ed Suleymaan oo hadda meydkiisa yaallo  Dalka Jarmalka ayaa weli go’aan aan laga gaarin halka lagu aasi doono waxaana geerida ku timid Tubeec ka naxay dhamaan umadda somaaliyeed meel walba ay dunida ka jogaan.

Halkaan ka dhageyso Warbixin uu inoo diyaariyey C/kiriin Shujaac