Dhageyso:Cali-Dheere muu hadlo Mise waa hadaafay..!? Warbixin

0

Dabayaaqadii todobaadkii hore waxaa suuqa wararka soo galay wara laga soo xigtay sargaal ka tirsan ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga oo la yiraahdo Mej Emmanual Chir Chir kasaoo sheegayay inuu dhaawac u geeriyooday Afhayeenka Al-Shabab Cali Max’ud Raage Cali-Dheere wixii maalintaas ka dambeeyayna si weyn ayay bulshadu u hadal haysay sheekadaas.

Waa wax la hubo in qof walba uu maalin uun dunnidaan ka tagayo  hase ahaatee Al-Shabab ma aysan beenin wararkaasi ku saabsan geerida afhayeenkooda sidoo kalena ma aysan rumeyn waana taas mida dadka tuhunka galisay.

Cali Max’ud Raage oo Cali Dheere ku magac dheer waxay shaqada uu Al-Shabab u hayo ay badi aheyd ka hadlida xaaladaha taagan sida marka ay dagaal galaan, meel qarxiyaan ama xataa ayaga la weeraro.

Dhacdooyiinkii ugu dambeeyay ee uu afhayeen Cali-Dheere ka hadlay waxaa ka mid ah weerarkii bishii hore dabayaaqadeeda Al-Shabab ku qaadeen Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in ujeedka weerarkaasi uu ahaa inay nolol ama geeri ku qabtaan M/weynaha Soomaaliya Xasan Sh, Max’ud.

Sidoo kale mar uu ka hadlay Tv,ga Al-Jazeera qeybta luuqada Ingiriiska wax ku tabisa waxaa uu ka hadlay dhawr arrimood oo ku saabsan joogitaanka ciidamada AMISOM, siyaasada dawladaha taageera dawlada Soomaaliya oo Turkidu ugu horayso waxaana uu rajo ka muujiyay xilligaas inay dib gacantooda ugu soo laabato meelihii horey looga qabsada

Cali Dheere markaas waxaa lagu waraystay magaalada Buulo-Mareer ee Gobolka Sh/hoose oo ka mid ah meelaha ay willi ka taliyaan.

Inkastoo uu maalmo ka hor xilliga geerida la shaaciyay uu hadlay kana hadlay arrinta ku saabsan ku biiritaanka ciidamada Ethiopia howlgalka AMISOM haddana maadaama todobaadkaan Al-Shabab lagala wareegay degmooyin muhiim u ahaa oo ku yaala gobolada koofureed ee Soomaaliya waxaa aad loo sugayay inay ka hadlaan xubno u Cali-Dheere ugu horeeyo hase ahaatee ma aysan dhicin taasi waana dhacdo kale  oo tuhun abuurtay.

Marka aanu dib ugu laabano hadalkii Emmanual Chir Chir waxaa uu ku sheegay in Cali-Dheere uu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray duqeyn .10 bishii January ee sanadkaan ka dhacday degaanka Birta-Dheer ee Gobolka Gedo waxaana bartilmaadka weerarkaasi oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Kenya uu ahaa hogaamiyaha Al-Shabab ugu sareeya Axmed Cabdi Godane oo Shabab ugu yeeraan Sh, Mukhtaar C/raxmaan Abu-Zubeyr laakiin waa uu ka bad baaday

Dad badan waxay aaminsan yihiin in Chir Chirka Kenya u hadlay aan horey looga baran run sheegis oo dhawr jeer ayaa warar uu warbaahinta u siiyay ayaa mar dambe beenoobay taas nafsad ahaanteeda ayaa iyana keeneysa in la beenaysto warka Ammanual Chir Chir baahiyay.

Marka aad dhex gasho bulshada oo aad tagto meelaha lagu kulmo sida goobah lagu shaaho, gaadiidka dhexdiisa, suuqyada IWM waxaa aad loo hadal hayaa arrinta ku saabsan in Sh, Cali Dheere uu geeriyooday ama uu noolyahay arrintaanse willi looma hayo xaqiiq

Haddii ay dhab tahay in Cali-Dheere oo xilka Afhayeenka Al-Shabab loo magacaabay  bishii May ee sanadkii 2009 waxay Xarakadda Al-Shabab ku noqon doontaa arrin culeyskeeda leh inkastoo uusan aheyn afhayeenka kaliya ee Shabab u hadla.

Halkaan ka dhageyso warbixin kusaabsan arintaasi waxaana qalinka uqaatay soona jeedinaya Burhaan Diini

W/D: Burhan Dini Farah

burhandiini@gmail.com