Allaha U Naxariistee Aabihi Fanka Banaadiriga Xaaji Iikar Leeb Oo Magaalada Muqdisho Ku Geeriyooday.

0

Muqdisho (AGGM): Xaaji Iikar Leeb oo ka mid ahaa aasaaseyaashii fanka Banaadiriga ayaa ku geeriyooday degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariisto Xaaji Iikar Leeb wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii loogu jeclaa fanka Banaadiriga, wuxuuna wax ka dhigay ruwaayadihii ugu horreeyay ee Banaadiri ah ee Golaha Muritada iyo Madaddaalada lagu soo bandhigay sanadkii 1967 sida ruwaayaddii Talo Xumo tol ma badiso.

Wuxuu la soo shaqeeyay abwaanno fanka Banaadiriga caan ku ah sida Dr. Raafi, Macow Aw Diinle, Muumin Yoo, Xabiib Maxamed Xabiib, Cabduqaadir Nuuraani, Axmadey Cabdi Gaashaan iyo kuwo kale oo badan.

Ruwaayadihii kale ee uu wax ka dhigay waxay ahaayeen Dhagarroow lagu arag, Ku waano qaado waqtiga, Wiil iyo Waalid kala war la’, Socdaal iyo Sir Jaceyl, Luul iyo Leyla iyo u samir ama ka samir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com