Sir Fakatay: Gudoomiyaha Degmada Doolow Oo Si Qarsoodi Ah Uga Ambabixiya Degmadaasi Maleeshiyada Jabhada ONLF Ee U Socda Dhanka Magaalada Kismaayo Iyo Gen. Fartaag Oo La Badalayo.

0

Doolow (AGGM): Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka heleyno degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi ay noqotay halka marinka u ah maleeshiyaadka Jabhada ONLF ee ku wajahan magaalada Kismaayo iyo gobolada Jubbooyinka.

Goobjooge ku sugan magaalada Doolow oo ka gaabsaday magaciisa xaalad amaan awgeed ayaa waxa uu xaqiijiyay in sanadahan dambemagaaladaasi ay ahayd marinka kaliya ee ugu weyn ee ay maraan maleeshiyaadka Jabhada ONLF ee u socda magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka.

“Walaal waxaan kuu xaqiijinayaa in ONLF ay degmada Doolow marin u tahay ilaa sanadihi lasoo dhaafay ilaa maantadan aan joogno waa ay maraan, waana heshiis ay wada gaareen gudoomiyaha degmada Doolow C/rashiid Janan iyo Horjooge Axmed Madoobe”.

Maleeshiyada Jabhada ONLF marki ay soo gaaraan Degmada Doolow waxaa jooga ragg diyaar ugu ah oo soo dhaweeya kadibna kala geeya guryo qarsoodi ah oo ku yaala gudaha iyo daafaha magaalada, halkaas oo ay ku sugnaanayaan inta looga helayo diyaarad u qaada dhanka Kismaayo ama waxaa laysu raaciyaa sadex sadex nin oo waxaana la saaraa gaadiidka u socda dhanka Jubbada Hoose.

Mashruucan ayaa waxaa ilaa hadda fududeeya Gudoomiyaha degmada Doolow Cabdirashiid Janan iyo rag isaga gacan yareyaal u ah waxa uuna bilaabay mashruucan ilaa iyo maalinki maleeshiyada Raaskambooni oo garab ka helaya ciidamada Kenya ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Kismaayo, ilaa haddana waxaa maray degmada Doolow maleeshiyaad tiradooda gaareyso 850 ilaa 1000 nin oo ku biiray maleeshiyada Raaskambooni.

Gudoomiyaha degmada Doolow ayaa markiisi hore Mashruucan waxa uu ku qaadan jiray lacag cadaan ah, balse hadda waxaa loogu badalay inuu noqdo gacanta midig ee Axmed Madoobe.

Dhinaca waxaa jira warar laga helayo ilo ka ag dhow Axmed Madoobe kuwaa oo sheegaya inuu Axmed Madoobe wado qorshe cusub oo dhawaan soo shaac bixi doono qorshahaas  oo ah inuu C/rashiid Janan ku badali doono Gen. Fartaag.

Axmed Madoobe ayaa waxa badalka Gen. Fartaag sabab uga dhigay sida warkan sheegayo inuusan waxba ka qaban culeeyska ay ku hayaan ciidanka ku sugan Goobweeyn ee uu hogaamiyo Col. Bare Aden Shire “Bare Hiraale ee dul hoganaya magaalada Kismaayo iyo in Gen. Fartaag uu dhoowr jeer oo hore ku yiri Axmed Madoobe waan ka tagayaa Kismaayo dadkeygi ayaad xasuuqday.

Isku soo wada duuboo waxaa jawi mugdi ah sii galaya xaalada magaalada Kismaayo iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo taageerayaashooda ku sugan magaalada Kismaayo, kuwaa oo ka geeystey gudaha magaaladaasi xasuuq aan loo meeldayin iyo falal ka dhan ah xuquuqul aadanaha iyo dhaqan Islaamka iyo kan Soomaalidaba.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media Hadduu Alle Idmo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com