Dhageyso: Madaxweyne Labaad Oo Dhawaan Looga Dhawaaqayo Magaalada Baydhabo.

0

Baydhabo (AGGM): Kadib markii dhawaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay lagu doortay Madaxweynaha lixda Gobo lee Koonfurta Soomaaliya, ayaa shirkii saddexda Gobol ee Baydhabo ka socday, waxaa la shaaciyay xilliga rasmiga ah ee uu dhacayo doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaan Macalin Maxamuud Maxamed oo kamid ah xubnaha Baarlamaankii hore Soomaaliya kuna howlan dhisida maamulka saddexda Gobol ka kooban, ayaa usheegay Idaacada Risaala in dhawaan la dooranayo Madaxweynaha saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Ex-Xildhibaanka Macalin Maxamuud in isbuuca soo socda gudihiisa la rajeynayo in la doorto hogaanka saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya, arintaasina ay ku howlan yihiin guddiga doorashooyinka Maamulka.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Urur Gobaleedka IGAD, ayuu tilmaamay inay ka haystaan taageero ku aadan shirkaasi iyo Madaxweynaha la dooranayo dhawaan.

Isku soo wada duuboo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cadeysay mowqifkeeda ku aadan shirarka Baydhabo, iyadoo Dowladda ay sheegtay inay aqoonsan tahay shirka saddexda Gobol ee Baydhabo ka socda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com